4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2020
Wasiirka Cadaaladda oo ku baaqay tababarro dheeraad ah oo la siiyo ciidammada amniga

Axad, Luulyo 12, 2020 (HOL) - Wasiirka Cadaaladda xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Xuseen Xaaji  ayaa soo jeediyay in tababarro dheeraad ah la siiyo ciidammada amniga, si aysan u dhicin ciidammada inay dhibaato u geystaan shacabka.

Wuxuu hadalkan sheegay, ka dib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu ku dilay magaalada Muqdisho Agaasime Waaxeed ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Askariga dilka geystay ayaa hadda ku jira gacanta ciidammada, waxaana lugu xiray xarunta dambi baarista ciidammada Booliska, halkaa oo ay ka socoto baaritaanka dilka.

" Waxaan ballanqaadaya inuu cadaalad heli doono marxuunka geeriyooday" ayuu yiri wasiir Xasan Xuseen oo inta ku daray " Ciidammada waa in la siiya tababar dheeraad ah oo anshaxa la xiriira si ay isaga ilaaliyaan inay dhibaato ugu geystay shacabka hubka ay heystaan."

Wasiirka wuxuu caddeeyay inuusan la socon askariga xilliga uu dilka geysanayay.

Ciidammada dowladda ayaa dilal kala duwan ka geystay Muqdisho, waxaa la xasuusta rasaas uu furay askari inuu ku geeriyooday bishii Maarso ee sannadkii 2017kii Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u Dhiska Federaalka, marxuun Cabbaas Cabdullahi Siraaji.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online
[email protected]