4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2020
Madaxweynihii hore ee Puntland oo geeriyooday iyo madaxweyne Farmaajo oo ka taciseeyay
 

Axad, Luulyo 12, 2020 (HOL) - Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa madaxweynihii hore ee Puntland ahaana siyaasi rugcaadaa ah, ayaa ku geeriyoodaydalka Kenya, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay.

Marxuumka ayaa kaalin mugleh ka soo qaatay aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyey ee Puntland.

Waxaa uu lasoo shaqeeyay madaxweynihii ugu horeeyay Puntland, Cabdulaahi Yuusuf Axmed, sanadihii 1998 iyo 2004. Markii Cabdulaahi Yuusuf Axmed loo doortay madaxweynaha Soomaaliya sanadki 2004, ayuu xilka madaxweynaha la wareegay, isago hayay muddo 6 bilood ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa geeridiisa ka tacsiyeeyay, wuxuuna ku tilmaamay marxuumka in uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Bulshada Puntland, gaar ahaan qoyskiisa.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]