Hiiraan Online
12/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2020
Ganacstada Qaadka Kenya oo khasaaray $ 80,000 markii la dib loo celiyay diyaarad Qaad siday oo Hargeysa ka degi lahayd
Axad, Luulyo 12, 2020 (HOL) - Ganacsatada qaadka Kenya ayaa sheegay inay ku hungoobeen dariiq toos ah oo xagga cirka ah oo ganacsigooda isaga gudbi lahaa Nairobi iyo Hargaysa si ay halkaas u geeyaan Qaadkii dowladda Soomaaliya ay joojisay.
Ganacstadu waxay sheegeen in ay ka heleen oggolaansho Maamulka Duulista Rayidka ah ee Somaliland, balse diyaaradii ugu horeysay oo dhawaan isku dayday inay Qaad geyso Hargeysa ayaa amar kasoo baxay dowladda Soomaaliya loogu diiday inay cago dhigato gegida Hargeysa.
Gudoomiyaha Ganacsatada Nyambene Miraa (Nyamita) Kimathi Munjuri ayaa sheegay inay lumiyeen ilaa $ 80,000 kadib markii ay khasaare xoogan ay kala kulmeen badeecadii qaadka ee loo safriyay Somaliland.
Ganacsatada reer Kenya waxay cadaalad daro ku tilmaameen in qaadka ka yimaada Itoobiya loo ogolaaday Soomaaliya, koodana loo diiday.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]