4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2020
Gaadiid iyo agab caafimaad oo lagu wareejiyey isbitaalka guud ee Laascaanood


Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Laba gaadhi oo Ambalaas agabkoodu u dhan yahay iyo agab caafimaad oo kale ayaa maanta la soo gaadhsiiyey isbitaalka guud ee Laascaanood.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey degaanka Adhi-cadeeye oo 30km waqooyi kaga quman magaalada Laascaanood.

Madaxda kala duwan ee heer gobol, degmo, waxgarad, cuqaal iyo bahda Caafimaadka ayaa soo dhoweyntiisa ka qayb qaatay iyadoo ugu danbayna uu soo gaadhey xarunta wasaarada Caafimaadka Gobolka Sool halkaas oo uu kula hadlay bahda caafimaadka iyo masuuliyiintii kale ba.

Wasiirka Caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi ayaa ku wareejiyey laba gaadhi oo ah kuwa gargaarka degdega ah oo qalabkoodu u dhamaystiranyahay, shaybaadhka COVID-19 iyo agab kale oo dhamaantii la xidhiidha xanuunkaas oo dhawr kiis laga helay magaalada.

Labadan gaadhi ayaa mid ka mid ah waxaa soo iibiyey Ganacsade Maxamed Jabuutaawi kaas oo wata qalab badan sida uu saxaafada u soo bandhigay oo ka mid yihiin haamaha sahla neefsashada, halka ka kalena ay wasaaradda Caafimaadku keentay.

Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socdey oo uu ka mid yahay Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan lataliyaha madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa aay kula dardaarmeen daryeelka agabkan iyo sidii ay dadaal ugu samayn lahaayeen bulshadooda.

Masuuliyiinta Gobolka Degmada iyo waxgaradka magaalada ayaa aad ugu mahad celiyey wasiirka Caafimaadka iyo ganacsade Jabuutaawi, waxaanay qaarkood soo jeediyeen in uu yahay shaqsi ku dayasho mudan muhiimna u ah bulshada gobolka Sool.

Gaadiidkan ayaa yimi ka dib markii dhacdooyin gaadiid gurmad la'aantood dad badan u dhinteen taas oo Saxaafada iyo baraha bulshada lagu qaadaa dhigay iyadoo ay haatana soo socdaan dhawr kale oo ay ku deeqeen Dahabshiil, shirkada HASS  iyo mid ay lacagtiisa ururiyeen gudi loo xilsaaray.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood