4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2020
Imtixaanaadkii shaaddiga ee dugsiga hoose oo maanta ka furmaya qaar kamid ah Gobollada dalka
 

Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Waxaa saakay ka billaabanaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobollada dalka imtixaanaadkii Shaaddiga ahaa ee dugsiga hoose, iyadoo lagu wado iney arday badan u fadhiistaan.

Ardayda ayaa waxay galayaan imtixaan ay soo diyaarisay wasaaradda waxbarashada ee dalka,

Imtixaankaan ayaa waxa uu billaabanayaa xilli Afartii bilood ee lasoo dhaafay ay xernaayeen dugsiyada wax-barashada ee dalka, sababo la xiriira xanuunka COVID-19.

Wasiirka wasaaradda waxbrashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uu guul ugu rajeeyay guud ahaan ardayda Soomaaliyeed ee Imtixaanaadka fadhiisanaya.

“Waxaan hambalyo u dirayaa ardayda fasalka 8aad ee birrito u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe. Waxaan idin rajeynayaa guul iyo natiijo aad ku faraxdaan.Guuleysta” ayuu wasiir Goodax ku yiri qoraalkiisa.

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sanadihii ugu dembeysay qaadeysay imtixaanaadka Shaaddiga ah ee dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiga sare.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]