4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2020
Bangiga hor-umarinta Afrika "COVID-19 wuxuu si daran u saameeyay nolosha dad badan oo Afrikaan ah"
 

Jimco, Luulyo 10, 2020 (HOL) - Ku dhowaad 50 milyan oo Afrikaan ah ayuu saf-marka Coronavirus wuxuu ku riixayaa xaalad adag oo dhinaca faqriga ah.

Sida lagasoo xigtay Bangiga hor-umarinta qaaradda Afrika, meelaha ugu badan ee hadda laga walaacayo in xaaladda ay helis noqoto waxaa kamid ah waddamo badan oo ku yaalla galbeedka iyo bartamaha qaaradda.  Kuwaas oo uu hadda dhaqaalahoodu liicayo,  sida Nigeria oo ah dal dad badan, oo dadkiisuna faqri u badanyihiin.

Qiimeyn uu horay Bangiga u sameeyay waxaa lagu sheegay in seddex dalool dadka qaaradda Afrika ku nool iney yihiin xaddiga ka hooseeyo halbeegga diilinta faqriga,  waxaana celcelis ahaan soo gala maalintii wax ka hooseeya 2 doollar.

Xaaladda caafimaad ee dunida ka jirta iyo xayiraadaha ayaa qasbay in dad badan ay lumiyeen shaqooyinkii ay hayeen.

Marka la tix-raaco shaqaale dhimis ay sameeyeen shirkado badan oo Afrikaan ah ayaa waxaa muuqanaya in qiyaasaadka 26.6 illaa inta u dhexeysa 30 milyan oo shaqo  in dadkii hayay ay lumiyeen, sababo la xiriira saameynta xanuunka Coronavirus.

Guud ahaan dadka shaqo la'aanta ah ayaa waxay hadda yihiin kuwa ku jira xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]