4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2020
Ciidamada dowladda oo sheegay iney mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen Gobolka Shabeellaha hoose
 

Jimco, Luulyo 10, 2020 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen iney weerareen deegaanka lagu magacaabo Urunji oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha hoose, halkaaso oo ay sheegeen iney ku taallay maxkamad Al-shabaab ay ku kala saari jireen dadka u dacwa taga, sida hadalka loo dhigay.

Taliyaha Ciidamada kumaandooska Danab qeybta 16-aad Gaanshaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay raadiyaha ciidamada ee SNA Radio ayaa waxa uu sheegay iney dileen 5 xubnood oo laba kamid ah ay yihiin mas’uuliyiin ka tisan Kooxda Al-shabaab.

“Waxaan dilnay Cabdullaahi Dhagool oo Al-shabaab u qaabilsanaa uruurinta sakaawaadka iyo Shiikh Maxamed oo ahaa mas’uul Al-shabaab u qaabilsanaa maxkamad ku taallay deegaanka Ugunji, iyo seddex maleeshiyo ah oo ilaalinayay , kuwaas oo isku dayay iney dagaallamaan “ ayuu taliye maalin u sheegay SNA Radio .

Waxa uu intaa  ku daray iney sii daayeen dhowr qof oo maxaabiis ahaan ugu xernaa Al-shabaab. Hase-ahaatee ma uu tilmaamin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.

Dhinaca kale ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aaddan weerarkaasi ciidamada kumaandooska dowladda Soomaaliya ay sheegen iney ku qaadeen deegaanka Urunji ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]