4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2020
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney dib u fureyso baarista kiiska saxafi la dilay 9 sano ka hor
 

Jimco, Luulyo 10, 2020 (HOL) - Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa waxa uu sheegay in dowladda ay dib u billaabeyso baaritaanka kiis dil ahaa oo dhacay 28kii Jannaayo, 2012 –dii ,  loona geystay Weriye la oran jiray Xasan Cismaan Cabdi oo loo yaqaannay “Fantastic”  oo ka tirsanaa Warbaahinta Shabeelle ee Muqdisho.

“Fantastic iyo tobaneeyo kale oo xaq darro lagu dilay waxay qeyb ka noqon doonaan suxufiyiin la dilay oo dib galalkooda loo furi doono haddii Eebbe idmo” ayuu yiri  wasiir ku xigeenka Warfaafinta Aadam Isaaq oo la hadlay barnaamij baaritaan ah oo ay si wada jir ah u sameeyeen hay’adda Justice for journalist iyo suxufiyiin Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalka.

Barnaamijkan baaritaanka ah ayaa lagu ogaaday in xilli fiid ah , habeenkii Sabtida 28-kii Jannaayo,2012-dii, goor uu kasoo laabtay goobtiisa shaqada.  In rag hubeysan oo ku libisan dharka ciidamada ay rasaas ku fureen, ugu dembeynna uu u geeriyooday Saxafigaas.

“Waan dhibaateysanahay illaa maanta. Caddaalad ma jirto. Ma jirto cid baaritaan ku sameysay dilka Xasan Fantastik. Waxaan joognaa rajo beel. Waxaan u baahanahay caawimaad. Kaddib dilkii seygeyga, ma awoodo inaan daryeelo carruurteyda,” ayeey u sheegtay Barnaamijkan baaritaanka ah oo la hadlay  Xabiibo aadan Axmed , oo 35 jir ah, aheydna xaaskii  Xasan Fantastic.

Xasan oo marka uu dhimanayay jiray 29 sano, wuxuu ahaa suxufi cod kar ah, sumcad bandanna ku dhex lahaa saxaadda saxaafadda . wuxuuna ku dhiiraday inuu baaritaanno ka sameeyo gudaha Muqdisho, xilli dhibaatooyin badan ay ka jireen caasimadda.

Barnaamijkaan wuxuu sidoo kale daaha ka qaaday in dilka Xasan Fantastik 28-kii Jannaayo,2012-dii,kadib hal habeen geeridiisa in ciidamada dowladda ay soo qabteen laba ruux oo lagu tuhmayay dilka saxafigaas, kuwaas oo lagu wareystay xarunta ciidamada dembi baarista ee CID-da, kadibna waxaa loo wareejiyay, xabsiga dhexe, iyadoo markii dembena lagu sii daayay hab aan qurux badneyn, iyagoo aan cadaaladda kasoo muuqan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu halista badan caalamka ee saxafiyiintu ku shaqeeyaan, waxaa lagu dilay weriyayaal badan, kuwa kale ayaa lagu dhaawacay halka kuwa badanna ay waddanka isaga carareen kadib markii ay la kulmeen hanjabaado dilal ah.

Dowladda uu hoggaamiyo  Madaxweyne Farmaajo, oo qudheeda ururrada saxaafadda ay ku eedeeyeen in dhowr weriye ay ku xad-gudubtay ayaa hadda hadalkaan kasoo yeeray wuxuu noqonayaa mid keeni kartaa wax-xoogaa nafis u noqon kara saxafiyiinta xaallada adag ku shaqeynaya iyo qoyska saxafigii la dilay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]