Madaxweyne Trump oo sheegay in ay weerarri doonaan 52 goobood oo lafbar u ah Iiran
Axad, Janaayo, 05,
2020 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Mareykanka , Donald Trump ayaa ugu hanjabay
dowladda Iiraan in uu weerarri doono sida uu hadalka u dhiggay 52 goobood oo muhiim u ah Iiraan weliba
"sida ugu dhaqsiyaha badan".
Warkan ka soo yeeray Trump ayaa dabasocda dilkii
uu Mareykanka ku fuliyay Janaraal Qaasim Suleeymaani iyadoona Iran ay wacad ku
martay iney dilkiisa ay u aargudi doonto.
Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Iran ay si
adag u hadleeyso oo ay bartilmaameedsan doonto goobo gaar oo muhiim uh
Mareykanka.
Waxa uu sheegay in Mareykanka uu soo ogaaday 52
goobood oo qaarkood ay aad muhiim ugu yihiin Iran iyo dhaqanka Iiraaniyiintuba
kuwaasi si dhakhsiya oo adag loo weerari doono, waa haddii ay xukuumadda Tehran
weerarto Mareykanka’’''Mareykanka ma doonayo caga jugleyn dambe'' ayuu Trump
intaasi ku sii daray.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in 52-daasi goobood
ay matali doonaan 52 qof ee reer Mareykan oo Iran muddo sannad ah u afduubnaa
dhammaadkii 1979-kii, ka dib markii laga soo qabtay safaaradda Mareykanka ee
Tehran.
Qoraalka Twitter-ka ee Trump ayaa sidoo kale ku
soo aadaya saacado ka hor gantaaladii lagu bartilmaamedsaday Aagga Cagaaran ee
u dhow safaaradda Mareykanka iyo garoonka diyaaradaha ee Balad oo ay ku yaalaan
guryaha xoogagga Mareykanka,
Inkastoo Milatariga ciraaq ay sheegeen ineysan
jiran cid ay waxyeello ka oo gaartay weerarkaasi mana jirto ilaa haatan cid
shegatay iney ka dambeysay weeraradaasi balse xoogagga taabacsan Iran ayaa lagu
eedeeynayay iney ka dambeyeen weeraradii dhowaan ka dhacay Ciraaq oo lagu
bartilmaameedsaday goobo muhiim u ah Mareykanka.
BBC