Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgallay mashruuc lagu horumarinayo magaalada Berbera
Jimco, Janaayo, 31, 2020 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa ka qeyb galay munaasibad ay soo agaasintay Dawladda hoose ee Degmada Berbera taasi oo lagu daahfuraayey Mashruuca Berbera Urban Development oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub islamarkaana loogu talogalay hannaanka bilicda horumarinta Magaalada Berbera, sidoo kalena waxaa isna madasha goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.
Mashruucan ayaa laga
hirgalinayaan magaalooyinka xeebaha ku yaalla, waxaana hore looga daahfurey
magaalada Muqdisho, taas oo uu maalgalinayo midowga Yurub.
Dhinaca kale, Madaxweyne ku
xigeenka iyo qaar kamida Golaha Wasiirada ayaa kormeer iyo booqasho ugu tegay
Markab kamida kuwa Ilaalada Xeebaha oo ay leeyihiin Midowga Yurub, waxaana uu
halkaasi Shir kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub iyo Admiral kii Markabkaasi
waday oo uu Madaxweyne ku xigeenku ka dhegaystay Warbixin la xidhiidha Ilaalada
Xeebaha siday uga hawl galaan ka midow yurub ahaan.
Madaxweyne ku xigeenka waxa ku
wehelinaayey Shirkaasi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin
Axmed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qanbi)
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) Taliyaha
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).
Shirkan ayaa muddadii uu socday
waxa lagaga hadlay Xaalada nabadgelyo ee biyaha Caalamiga ah ee ay ilaaliyaan
Midowga Yurub iyo sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland,
sidoo kalena waxay Somaliland Baddeeda ku ammaaneen siday uga caaggan tahay
Budhcad-badeedda iyo argagaxisada, doorkoodana waxay soo bandhigeen hannaanka
wada shaqayneed ee u dhaxeeya iyaga iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo
kale booqday Ciidamadii saarnaa markabkaasi sidoo kalena indho indhayn kusoo
sameeyey qalabka iyo gaadiidka dagaalka ee markabkaasi saarnaa.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.