Hiiraan Online
9/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2020
Jubbaland oo Dowladda Federalka ka dalbatay inay meel ku sheegto wasiirkii amniga
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay inay ka murugaysan yihiin xaalad badqab ee wasiirkoodii amniga Cabdirashiid Janan, kadib markii maanta taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya ay sheegtay inuu ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa dowladda federalka looga dalbaday inay meel ku sheegto wasiir Janan oo muddo bilood ah u xirnaa, haddii kale ay qaadayso masuuliyada wixii gaara wasiirka amniga Jubbaland.
Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka Jubbaland.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]