Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-gelaya shirka Saddex Geesoodka ah ee Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya

Isniin, Janaayo, 27, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ee dalka Ereteriya kaga qayb-gelaya kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.
Kulankan
oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias
Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ku
saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii
loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah
ee Geeska Afrika.
Inta
ay kulamadani socdaan waxaa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.
Wafdiga
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan
ayaa la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka
iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda
iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo
xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed
ee la hiigsanayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com