Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa amar ku bixiyay in la hakajiyo xil wareejinta agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya xafiiskeeda Puntland.
newsinsideGo’aankaan ayaa kusoo beegmay kadib markii agaasimaha hay’adda socdaalka Soomaaliya uu agaasime cusub usoo magacaabay xafiiska Puntland.
Halka agaasimihii hore ee hay’adda looga yeeray xafiiska dhexe ee hay’adda oo kuyaala magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa lagu faray masuuliyiinta amniga iyo masuuliyiinta socdaalka in illaa amar dambe la hakiyo xil wareejinta.
Lama oga sababta ka dambeysay go’aankaan, balse wuxuu kusoo aadayaa iyadoo Puntland iyo dowladda federalka ka dhextaagan yahay khilaaf siyaasadeed oo culus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]