4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2020
Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo howlgal ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

 

Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ee Itoobiya ayaa howlgal ka fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas.

Howlgalkan ay ciidamadu sameeyeen waxaa horkacayay maamulka degmada Maxaas waxaana la sheegay in lagu qab qabtay dad la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Cabdi Muumin Cilmi Guddoomiyaha degmada Maxaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkan uu salka ku hayo kaddib cabasho sida uu hadalka u dhigay uga timid dadka ku dhaqan deegaannada howlgalka laga fuliyay oo Al-shabaab ay ka qaadeen xoolahooda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in meelaha qaar uu jiray iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab hasse ahaatee kama uusan hadlin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalkaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]