3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2020
Khilaaf u dhaxeeyay madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la soo afjaray

 

Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)-Waxaa ugu danbeyntii la soo afjaray khilaaf muddo dheer soo jiimatayay oo u dhaxeeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed.

Kulan magaalada Muqdisho ku dhaxmaray madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xal looga gaaray khilaafka iyadoo arintaana  uu gar-wadeen ka ahaa   Madaxweyne Ku-xigeenka Cali Maxamed Guudlaawe.

Khilaafka madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa salka ku hayay mar walba mooshinno is daba joog ah oo marar badan ay madaxweynaha ka keeneen xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddoonka oo la arkayay in uu mooshinnnadaa gadaal ka riixayo, waxanaa hadda marka la eego guud ahana muddo xileedka maamulka ka harsan muddo 8 bilood ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 

 













Click here
1/21/2020 4:41 PM EST
Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)- Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maanta ay xiran yihiin waddooyinka waawayn ee magaalada Jigjiga.

1/21/2020 11:30 AM EST
Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)- Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in xaalad degganaansho la'aan ah laga dareemayo xaafadaha qaar ee magaalada Diridhabe, kaddib isku dhacyo u dhaxeeyay dhalinyarta qawmiyadaha Oromada iyo Axmaarada oo ilaa shalay galinkii dambe rabshado ka sameynaysy magaalada.

1/21/2020 11:05 AM EST
Talaado, Janaayo, 20, 2020 (HOL)-Qoraal ka soo baxay madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa lagu sheegay in aysan qeyb ka aheyn Doorashada madaxwynaha Galmudug ee la qabanqaabinayo.

1/21/2020 8:59 AM EST
Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)-Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa War ka soo saartay burburin loo geystay xarun ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Jaldeyse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoos.

1/21/2020 8:33 AM EST
Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)-Maamulka Puntland ayaa beeniyay ciiddamo dhawaan lagusoo bandhigay magaalada Laascaano ee Somaliland inay yihiin ciiddamo Puntland ka goostay.

1/21/2020 8:06 AM EST
Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)- Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Jaldeys ee degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

1/21/2020 4:25 AM EST
Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)- Taliska ciidanka booliiska Puntland ayaa shaqadii ka ruqseeyay 80 askari oo katirsanaa ciiddamada bilayska ee gobolka Nugaal, sida ay Hiiraan Online kasoo xigatay qoraal kasoo baxay xafiiska taliyaha ciidanka bilayska Puntland.

1/21/2020 3:51 AM EST
Talaado, Janaayo,21,2020 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ee Itoobiya ayaa howlgal ka fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas.

1/21/2020 1:57 AM EST
Talaado, Janaayo, 21, 2020 (HOL)- Maamulka sare ee al-Qaacida, ayaa soo saaray bayaan laba bog ah oo lagu amaanayo waxay ugu yeereen jihaadiyiinta Soomaaliya iyo Mali.