4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2020
Puntland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida oo iska kaashanaya Amaanka iyo hormarinta dhaqaalaha


Isniin, Janaayo, 20, 2020 (HOL)-Wafti kasocday Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa dhawaan marti qaad ka helay  Dawlada Deegaanka Soomaalida, gar ahan  Gobolka  Doollo xaruntiisa Wardheer.

Wafti Puntland ka socoday oo ah  heer wasiirro, xildhibaano iyo  sarakiil wasaaradda Amniga Puntland, ayna kamid  ahayeen wasiirka arrimaha  gudaha, wasiir qorshaynta,  Guddoomiyaha Gobolka Cayn,  ayaa marti qaad rasmiya ka helay Dawlad Deegaanka Soomaalida waxayna 13, Janaayo 2020, gareen  Wardheer iyagoo ka bilaabay  Booqashadoodii Koowaad Santarka Qalloocan, waxay shirar  ballaaran layeesheen mas,uuliyiinta kasocoday  (DDS) oo uu Hoggaaminaayo Guddoomiyaha Gobolka Doollo.

Shirar muhiima kuna sabsana  Arrimaha Amniga iyo dhaqaalaha ayaa  Wardheer ka furmay 14, Janaayo 2020, waxayna socdaan  14, ilaa 16.

Dhanka Puntland waxaa   Shirarka ka qeyb galay  wafti heer sare oo isgu jiray wasiirro Xildhibaano iyo Sarakiil Ciidan, Wasiirka Arrimaha gudaha dimuqradiyeynta iyo fadaralka Puntland  Cabdiraxmaan Maxamad Dhabanacad, Wasiirka Qorshaynta xiriirka caalamiga iyo hormarinta dhaqaalaha, Wasiirka Ganacsiga, iyo mas,uuliyiin kale ayaa  dhanka Puntland Shirka uga qeyb galay.

Dhanka dawlad Deegaanka Soomaalidana  waxaa shirka qeyb galay Mas,uuliyiin  heer Federal iyo Heer Deegaan ah.

 Arrimaha laga wada hadlay ayaa u badna  Iskaashiga  arrimaha Amanka, iyo Ganacsiga  waxana aad looga wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyneed ee  dhanka Amaanka, joojinta Dadka  isticmaala Hubka Sharci darrada, tahriibta iyo la daggaalanka Mukhaadiraadka.

Waxaa kale oo jira Shirar lagu ballamay inay qabsoomi doonaan watiyada sosocda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]