4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2020
Dood qaran oo lagu falanqeynayo arrimaha siyaasada iyo amniga oo lagu daahfuray Muqdisho


Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)- Dallada ururada bulshada aan dowliga aheyn ee SONSA, ayaa magaalada Muqdisho ku daahfurtay dood qaran oo ku saabsan arrimaha ammaanka, siyaasada, dhaqaalaha, degaanka iyo arrimaha bulshada.

Doodaan oo loogu magac daray madasha Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay, ururada bulshada, Xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya, qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed iyo guddiga qaran ee doorashooyinka Soomaaliya, waana  dood qaran midii ugu horeysay oo nuuceeda ah.

Guddoomiyaha dallada bulshada rayidka ah ee SONSA, Cismaan Muxidiin Shaatax ayaa sheegay doodaan qaran inay ahaandoonto mid bille ah oo lagaga arinsandoono marxaladaha dalku marayo.

Sahro Maxamed Axmed oo katirsan bulshada rayidka ah ayaa cod dheer ku sheegtay in bulshadu ku dulman yihiin kaalintooda kaga aadan go’aanada iyo sharciyada muhiimka ah ee dalka lagu gaarsiinayo doorashooyinka.

Abuukaate Cumar Dhegay oo kamid ah la taliyayaasha raysal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay Soomaaliya inay maanta baahi weyn u qabto madal kulmin karta dadka Soomaaliyeed ee qaba afkaaraha kala duwan.

Wuxuu sheegay madasha nuucaan oo kale ah inay abuuri karto wada hadalo ummadda Soomaaliyeed kaga hadlayaan masiirka dalkooda.   

Xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cosoble oo katirsan barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku taliyay in doodaan looga faa’idaysto sidii masiirka Muqdisho meel loo saari lahaa, culayska hadda haystana looga dulqaadi lahaa.

Madashaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay sanadkaan galayso waqti kala guur ah oo dalku isku diyaarinayo doorashooyin heer qaran ah oo sharciyadii lagu geli lahaa aan weli si dhameystiran loo ansixin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]