3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2020
Dr Carab“Mishiinkii hore ee Oxygen-ku waa gabaabsi oo mid weyn baa soo socda”

 

Axad, Janaayo ,19,2020 (HOL )– Maalmihii dambe waxay dadweynuhu aad uga cabanayeen qalabka Oxygen-ka oo cisbitaalka guud ee Hargeysa  ku yar yahay , taas oo sababtay inay caruur yaryar u nafwaayeen adeegaasi.

Mas'uuliyiinta wasaarada Caafimaadka oo hortagay Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida si wax looga waydiiyo xaaladda cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Agaasimaha Cisbitaalka guud Dr;Yaasiin Carab ayaa sheegay in mishiinkii hore ee Oxygenku gabaabsi yahay oo uu imika u imanayo mishiin weyn oo naqaska (Oxygen-ka) taas oo madaxweynuhu u dalbay.

“ Qalab Cusub ayaa Cisbitaalka usoo socda oo aan filayo inuu dhowaan yimaado, waxaan ka mid ah Mishiinkii ugu weynaa Oxygen-ta oo dhib weyn ka haysta Cisbitalka oo Mishiinkii Hore Waxuu Noqdey Mid Gabaabsi Ah , Waxaana noo dalbay Mishiinkaas madaxweynaha “ayuu yidhi agaasime Yaasiin Carab.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in qaybta dhiqidda kalyaha ay saacado badan shaqayso oo maalin kasta 31 qof loo sifeeyo kalyahay taas oo adeegaasi bilaash yahay.

“qaybta sifeynta kalyaha maalin walba way shaqaysa, waxaana maalin kasta kalyaha u sifeynaa 31 qof oo adeeg bilaash ah loo qabtaa, maalinta ugu horeysa ee la diwaangaliyo ayaa boqol dollar laga qaadda, waxaana qofkii loo shaqeeya afar saacadood, taas oo keentay in saddex goor shaqada lagu noqdo si qalabka loo nadiifiyo”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Agaasime Yaasiin Carab ayaa sheegay in sagaal dhakhtar oo cisbitaalku lacagta ka bixiyo ku maqan yihiin Itoobiya markay waxbarashada soo dhamaystaana ay dib uga hawlgali doonaan cisbitaalka iyo goboladda kale.

Agaasime Dr: Yaasiin Carab ayaa sheegay inuu cisbitaalka Guud ee Hargeysa ka kooban yahay Qaybta gargaarka degdeg ah, qaybt caruurta, qaybta dhimir, qaybta qaliinka, qaybta dumarka iyo xanuunada guud.

Waxa kale oo uu agaasimuhu sheegay in dad faro badan oo ku dhow 1500 oo qof Turkiga u tageen caafimaad, kuwaas oo lacag badan inagaga tagay waxa loo qabanaya uu yar yahay, waxaanu xusa in tayeynta cisbitaalka u horeyso in shaqaalaha laga bilaabo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 













Click here
1/19/2020 3:16 PM EST
Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)- Dallada ururada bulshada aan dowliga aheyn ee SONSA, ayaa magaalada Muqdisho ku daahfurtay dood qaran oo ku saabsan arrimaha ammaanka, siyaasada, dhaqaalaha, degaanka iyo arrimaha bulshada.

1/19/2020 2:08 PM EST
Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)-Guddigii Doorashada uu dhawaan uga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa ayaa ku dhawaaqay xildhibaanno cusub oo sida ay hadalka u dhiggeen uu yeelanaya maamul gobolleedka Galmudug.

1/19/2020 7:45 AM EST
Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)-Kaddib kulan degmada Dhuusa-Mareeb ay ku yeesheen Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug ayaa looga dhawaaqay Guddiga doorashada madaxwyenaha iyo ku-xigeenkiisa Galmudug

1/19/2020 6:31 AM EST
Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)- Dalka Ingriiska, maxaabiista ku xukuman dambiyada Argaggixisada ayaa loo oggolaaday inay isticmaali karaan adeega isgaarsiinta lana xariiraan asxaabtooda kale, inta ay ku jiraan xabsiyo ammaankooda aad loo ilaaliyo oo kuyaala gudaha dalkaas.

1/19/2020 5:27 AM EST
Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)- Hay'adda Qaxoontiga ee Qaramada Midoobay ayaa xanibtay Qaxooti Soomaaliyeed oo ka qeyb qaatay mudaaharaadyo looga soo horjeedo takoorka qaxootiga Afrikaanka ah ee ku nool magaalada Sanca, ee Caasimadda Yemen.

1/19/2020 4:40 AM EST
Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)-Wasaarradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa ku amartay guud ahaanba hay'addaha samafalka ka howlgala deegaannada uu maamulku ka arrimiyo in ay isa-soo diiwaangaliyaan

1/19/2020 1:23 AM EST
Axad, Janaayo,19, 2020 (HOL)-Degmada Dhuusa-Mareeb waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku yeelanaya xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee dowlad gobolleedka Galmudug

1/19/2020 12:35 AM EST
Axad, Janaayo, 19, 2020 (HOL)- Turkiga ayaa cambaareeyay weerar ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kaas oo ku dhaawacmey tiro rayid ah.