3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2020
Puntland iyo Jubbaland oo shir wadatashi ah uga furmay magaalada Bosaso


Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)- Shir wadatashi ah oo udhexeeya Puntland iyo Jubbaland, ayaa ka furmay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxweynayaasha labada maamul.

Shirkan ayaa ku saabsan iskaashiga amniga, ganacsiga iyo horumarka guud, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Waxaa kale oo shirka looga hadlayaa arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, sida Doorashooyinka, dib u eegista Dastuurka, Shidaalka iyo deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya.

Labada maamul ayaa lagu wadaa isla galabta inay soo saaraan war murtiyeed ku socda dowladda federalka iyo beesha caalamka.

Labada madaxweyne ayaa shalay Bosaso ka sheegay in aan Soomaaliya lagu maamuli karin hal dhinac wixii kasoo yeera oo ay ula jeedaan dowladda federalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/18/2020 3:47 PM EST
Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)- Bangiga Adduunka ayaa bishii December ee sanadkii hore ansixiyay $ 112 milyan oo deeq ah oo loogu talagalay in lagu bixiyo kaabayaasha mudnaanta leh ee magaalooyinka Soomaaliya lana xoojiyo awoodda dowladdaha hoose.

1/18/2020 2:58 PM EST
Sabti, Janaayo ,18,2020 (HOL )–Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa guddida doorashooyinka ugu baaqay inay is casilaan mar hadddi aanay xisbiyadu garsoorkooda raali ka ahayn.

1/18/2020 10:08 AM EST
Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)- Ra'iisal Wasaarraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa joojiyay islamarkaana waxba kama jiraan ka soo qaaday heshiis ay maanta kala saxiixdeen Wasiirradda Maaliyada Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Dowlad gobolleedyada dalka.

1/18/2020 8:18 AM EST
Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)-Inta la xaqiijinayo saddex ruux ayaa ku dhimatay 20 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray Qarax gaari loo adeegsaday oo lagu qaaday kolonyo ay la socdeen shaqaale Turkish ah oo ku howlanaa dhismaha Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

1/18/2020 7:33 AM EST
Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)- Guddiga tirokoobka iyo diiwaan galinta ciidamada Puntland ayaa maanta bilaabay diiwaan galinta ciidanka bilayska Puntland.

1/18/2020 5:01 AM EST
Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)- Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska difaaceen sida ay hadalka u dhigeen weerar dhowr jiho uga yimid oo ay Ururka Al-shabaab ku soo qaadeen fariisimahooda degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

1/18/2020 2:46 AM EST
Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar Bambaano oo lagu qaaday Guri ku yaala magaalada Muqdisho oo inta la og-yahay ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo ka mid ahaa dadkii guriga ku sugnaa.

1/18/2020 1:15 AM EST
Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa muujiyay walaac amni oo weyn oo Puntland iyo shacabkeeda ka qabaan labada buurood ee ay ku kala jiraan Al-shabaab iyo Daacish.