4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2020
Ciidamada dowladda oo sheegay in ay ka hortageen weerar uga yimid Ururka Al-shabaab

 

Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)- Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska difaaceen sida ay hadalka u dhigeen weerar dhowr jiho uga yimid oo ay Ururka Al-shabaab ku soo qaadeen fariisimahooda degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

Saraakiisha ayaa sheegay in gaar ahaan weerarkan lagu bartilmaameedsaday Koontaroolo ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Mukeyga oo ka tirsan degmada Afgooye iyadoo halkaa uu dagaal caulus ku dhaxmaray xoogaggii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa weeraray Buundada yar ee kala qeybisa xaafadaha 21 October iyo Dhagaxtuur ee degmada Afgooye. 

Weerarkan oo dhacay xalay ayeey Al-shabaab dhankooda sheegteen in waqti kooban la wareegeen gacan ku heynta guud ahaanba degmada, laakiin waxaa sheegashadaas beeniyay maamulka degmada Afgooye oo dhankooda sheegay in leysku caabiyay xoogaggii degmada soo weeraray.

Degmada Afgooye ayaa ka mid ah meelaha bartilmaameedka u ah inta badan dagaalyahannada Al-shabaab oo dhowr jeer oo hor sidan oo kale  gudaha ugu galeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]