4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2020
Bam lagu weeraro Guri ku yaala magaalada Muqdisho oo 10 ruux ay dhaawacmeen

 

Sabti, Janaayo, 18, 2020 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar Bambaano oo lagu qaaday Guri ku yaala magaalada Muqdisho oo inta la og-yahay ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo ka mid ahaa dadkii guriga ku sugnaa.

Guriga la weeraray oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo waramayaa in xiligaa ay ku caweynayeen Rag iyo Dumar sida la sheegay habee walba caado u aheyd in ay isugu taggaan Guriga kuna caweeyaan.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa xaaladoodu culus tahay laguna daweynayaa qaar ka mid ah goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Lama oga cidda ka danbeysay weerarka Bambaano ee lagu qaaday Gurigan iyadoo dadkii ka danbeeyayna la sheegay in ay baxsadeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]