3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2020
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay 15 ka tirsan Dagaalyahannada Ururka Al-shabaab

 

Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 15 ka tirsan dagaalyahannada Ururka Al-shabaab ku dileen iska horimaad ka dhacay deegaanka Xaaji Cali Degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War ka soo baxay Wasaarradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu iska hor imaadku dhacay markii ay Ciidanka xoogga ka war heleen weerar ay qorsheynayeen in ay Al-Shabaab kusoo qaadaan fariisimo ay Ciidanku lahaayeen, taas oo sababtay in ay cadowgu ka cararaan Tuulooyinka Geel gub iyo Masjid Cali Guud.

“Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qorsheysan si xirfadi ku dheehan tahay, waxaa la burburiyay raacyadiisa hore, waxaana ku gaaray goobta lagu dagaallamay qasaare aad u badan, taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadaan, si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay, Ciidanka waxuu baacsaday cadowga ayaga oo ku celiyay goobahii ay dagaalka ka soo abaabuleena lana sheegay in ay dib uga gurteen kana carareen tuulada Geel gub iyo Masjid Cali Guud-ba,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkaasi ay Ciidanka Xoogga Dalka kaga shahiideen 1 Sarkaal 1 Sarkaal xigeen iyo 2 Askari, halka dhawacana uu gaarayo 3 Asakari.

Qoraalka ayaa geba-gabadii lagu sheegay in CXDS uu had iyo jeer heegan iyo foojignaan ugu jiro ilaalinta kaaramada Shacabka Soomaliyeed, waxeyna si aan ka leex-leexad laheyn u fulinayaan waajibaadka dagaal ee ay Madaxda Qaranka siisay, si loo difaaco kaaraamada sharafka iyo Madax bannaanida Qaranka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 













Click here
1/17/2020 1:05 PM EST
Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)-Munaasabad lagu soo bandhiga in ka badan 100 Ardey ah oo ka qalinjabisay Jaamacadda 'Hiiraan University'' ayaa maanta oo Jimco ah lagu qabtay magaalada Beledweyne

1/17/2020 4:06 AM EST
Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)- Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug oo ay ku tartameen musharax xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cismaan

1/17/2020 2:20 AM EST
Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)-Maanta oo Jicmo ah ayaa lagu waddaa in degmada Dhuusa-Mareeb lagu qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug

1/17/2020 12:19 AM EST
Jimco, Janaayo, 17, 2020 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn deegaanka Kuunyo Barroow ee gobolka Shabeellaha Hoose lagula eegtay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab