4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2020
Baarlamaanka Carabta oo sheegay in uu taageerro siinayo Soomaaliya

 

Khamiis, Janaayo, 16, 2020 (HOL)-Kulanka Baarlamaanka Waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo Shalayto lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo Dowladaha Soomaaliya iyo Suuriya.

Bayaanka lagu taageeraya Soomaaliya Soomaaliya oo gundhig u ah  horumarka dhinacyada badan leh ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya  sameysay ayaa mar kale lagu caddeeyay in ay Jaamacadda Carabtu  Difaaceyso Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, waxaana lagu  cambaareeyay faragalinta shisheeye.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa horay u taageeray horumarrada ay sameysay Dowladda Soomaaliya, iyadoo ka hor timid faragelinta banaanka kaga imanaya, taas oo dhaawac ku ah Qarannimada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]