4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2020
Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo beesha caalamka kula shiraya Bosaso
 

Khamiis, Janaayo, 16. 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Bosaso, xilli uu halkaasi ku sugan yahay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo safarkaan si kedis ah oo aysan warbaahintu xog badan ka haynin ku gaaray Bosaso, ayaa kulamo gaar ah la qaadanaya beesha caalamka iyo madaxda Puntland.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe uu Bosaso kulamo xasaasi ah kula yeelandoono beesha caalamka, iyagoo ka wada hadlidoona doorashooyinka la filayo in ay dalka ka qabsoomaan gabagabada sanadkan ilaa bilawga sanadka 2021.

Waxaa kale oo ay sheegeen in uu madaxweynaha Puntland la qaadandoono kulan looga hadlayo khilaafka ka dhex taagan xukuumadda federaalka iyo maamuul goboleedyada iyo xal u raadinta khilaafkan.

Safarka Axmed Madoobe waxaa uu kusoo beegmay maalin kadib markii magaalada Baydhabo ay ku shireen madaxweynayaasha Hirshabelle iyo koonfur galbeed iyo sidoo kale kale beesha caalamka

Wixii fahafaahin oo kusoo kordha kala socda Hiiraan Online

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]