4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2020
Garowe: Xildhibaan katirsan barlamaanka Puntland oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil
        

Khamiis, Janaayo, 16, 2020 (HOL)- Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo katirsan barlamaanka Puntland, ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day lagu qaarajin lahaa.

Xildhibaanka oo la hadlay warbahainta maxaliga ah, ayaa sheegay in rasaas lagu furay xilli uu xalay gurigiisa si galayay, waxaana goobta laga helay fuuqa rasaasta.

Faarax Maxamed Dalmar ayaa maalmo kahor sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista guddoomiyihii bankiga dhexe ee Puntland, isagoo saxaafada kasii daayay hadalo kulul oo ka dhan ahaa madaxweynaha.

HOL oo la xidhiidhtay laamaha amniga ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan falkaan oo uu sheegay xildhibaanku in lagu dili lahaa.

Qoraal kooban oo sarbeeb ah oo uu xildhibaanku kusoo qoray bartiisa baraha bulshada ayuu ku muujiyay fariin uu u dirayay kuwa falkaan ka dambeeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]