4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2020
Khudbadaha musharixiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Galmudug oo maanta la dhageysanayo

 

Khamiis, Janaayo, 16. 2020 (HOL)-Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug ayaa maanta lagu waddaa in ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan xilka Guudoonka.

Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa diiwaangaliyay 7 xubnood oo u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka waxaana xubnaha ku jira mas'uuliyiin horay xilal uga soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray.

Musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Nuur  Gacal, Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasoow.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka  Galmudug ayaa waxaa u taagan Afar Musharax oo uu ka mid yihiin Faadumo  Cabdi Faandhe iyo guddoomiye kuxigeenkii hore ee labaad Maxamed Sheekh Axmed Maalin.

Ugu danbeyntii maalintii Barri ah oo Jimco ku beegan ayaa lagu wadaa in Magaalada  Dhuusa-mareeb lagu qabto doorashada Guddoonka  Baarlamaanka Galmudug, waxaana aad loo adkeeyey amniga magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]