4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2020
Puntland: Khilaaf ka dhashay magacaabidda guddoomiyaha cusub ee bankiga dhexe Puntland
 

Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Khilaaf ayaa ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii bankiga Puntland, Cabdi Ismaaciil Boos, kadib markii madaxweyne Deni uu xilkaas u magacaabay guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Abdirisaaq Warsame Seeraar.

Cabdi Ismaaciil Boos, ayaa diiday wareegtada xilka looga qaaday, isaga oo tilmaamay inaan sifo sharci ah loo marin xil ka qaadistiisa uuna isku aqoonsan yahay inuu yahay guddoomiyaha saxda ah.

Xildhibaan katirsan barlamaanka Puntland ayaa ku dooday in xil ka qaadista guddoomiyaha bankiga uu khilaafsan yahay dastuurka Puntland, isagoo sheegay  inaanu madaxweynuhu awood u lahayn tilaabadaas.

Dastuurka Puntland ayaa dhigaya in guddoomiyaha bankiga dhexe ay xilka ka xayuubin karaan golaha xukuumada kadibna uu meel mariyo golaha barlamaanka, iyadoo la raacayo sababaha sharcigu tilmaamayo.

Waa markii labaad oo uu masuul katirsan Puntland uu kasoo horjeesto in xilka laga qaaday, waxaana la ogsoon yahay in sidaas oo kale guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland uu diiday mooshin lagu riday.

Maxkamada dastuurka Puntland oo xallisa khilaafyada nuucaan oo kale ah, ayaa meesha ka maqan, waxaana taasi ay keentaa in mar waliba uu guulaysto go’aanada madaxda sax iyo qaladba.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]