4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2020
Somaliland: Lix nin oo ku xukunnaa dil oo saaka la toogtay

 

Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa sheegtay in saaka lix gacan ku dhiigle lagu fuliyey qisaas ka dib markii ay ku cadaatay dilka ay gaysteen.

Lixdan nin oo muddo dheer ku jiray jeelka dhexe ee Hargeysa ayaa maanta dilkooda lagu fuliyey meel u dhow jeelka weyn ee Mandheere.

Qoraalka ay soo saartay xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa u qornaa sidan:Iyadoo la fulinaayo amarka maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay Ex-Askari Police Marxuun Maxamed Cabdi Saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ismaaciil Faarax Maxamad.

3: Gacan kudhiigle Khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.