Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)- Ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa booqday Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay horumarka dalka maadaama ay Soomaaliya sannad muhiim ah u tahay 2020.
Sarkaalka UN-ka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay wakiillo kala duwan oo heer qaran ah iyo kuwo caalami ah, waxaana uu kala hadlay amniga gobolka, doorashooyinka, horumarka, gargaarka iyo arrimo kale.
Kulamada Mr. Onanga-Anyanga waxaa ka mid ahaa kulan uu la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan, Balal Mohamed Usman, kuwaas oo uu kala hadlay muhiimadda wada hadalku u leeyahay nabadda iyo barwaaqada gobolka.
Wuxuu la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ibraahim, waxayna ka wada-hadleen qaar ka mid ah caqabadaha iyo fursadaha la xiriira kalsoonida iyo hufnaanta doorashada soo socota ee dalka,
('hal-qof, hal cod')