4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2020
Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo oo ku gacanseyray xil ka qaadis lagu sameeyay

 

Arbaco, Janaayo, 15, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee dowlad gobolleedka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay islamarkaana iska diiday xil ka qaadis uu xalay ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa xalay wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku kala diray maamulkii degmada Gaalkacyo iyo golihii deegaanka intaba.

Xirsi Yuusuf Barre oo ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in waqtigan madaxweyne Xaaf uusan awood u laheyn xil ka qaadis in iyo magacaabis waxaana uu sheegay in uu wali isugu yahay guddoomiyaha degmada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf ayaa siweyn uga soo horjeeda Qorshaha Dowaldda ee dhismaha Galmudug isaga oo sheegay in Dowladdu afduubeyso shacabka reer Galmudug.

Laakiin haddana dhinaca kale waxaa xusid mudan in degmada Dhuusa-Mareeb lagaga dhawaaqay Baarlamaankii 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug dhawaanna la filayo in madaxweyne la doorto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]