10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
Kenya oo ka foojigan weerarro kale oo uga yimaada dhinaca Al-shabaab

 

Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL) –Dowladda Kenya oo ayaa sheegtay in ayfoojignaan dheeraad ah ka qabaan weerarro kale oo uga yimaada xoogagga Ururka Al-shabaab iyadoo heegan buuxa galisay ciidamadeeda.

Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo militari geysan ama ku xoojisay ciidamadeeda ku sugan wadada isku xirta deegaanka Elwak-Kotulo iyo magaalada Mandheera iyo degaankaasi.

Saraakiisha gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in ay jirto cabsi oo food saartay dadka ku dhaqan gobolka oo walwal ka qaba weerarro uga  yimaada dhinaca Ururka Al-shabaab, hasse ahaateen ciidamada heegan buuxa la galiyay.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in hayaan xog ku saabsan in Al-shabaab ay qorsheynayaan weerarro kale oo ay ku qaadaan gobolka.

Dhinaca kale booliska Kenya ayaa soo saaray digniin ku aadan weerarro ka yimaada Al-Shabaab oo ka dhaca magaalada xeebeedka Mombaza ee dalka Kenya.

Al-shabaab ayaa dhawaan weerar ku qaad saldhig militari oo ay gobolka Lamu ku lahaayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya iyaga oo sheegay in ay ku dileen tiro badan oo ka mid ahaa askartii ku sugneyd saldhigga, hasse ahaatee Mareykanka ayaa sheegay weerarkaa lagu dilay Hal Askari oo ciidamadooda ka tirsan Labo Qandaraaslayaal ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]