4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2020
Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa

 

Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ku  qabsoomaya Addis Ababa.

Barnaamijka Meertadan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay'adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]