4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2020
Aqalka sare oo meel mariyay sharciga cusub ee doorashooyinka Soomaaliya


Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee dowladda Federaalka.

27 Senatar ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay in uu meelmaro sharcigaan, kadib markii guddiga Ka- Baraandegista sharciga Doorashooyinka uu akhrin kusoo sameeyay sharcigan.

6 senator ayaa diiday, mana jirin cid ka aamustay.

Sharciga doorashooyinka ayaa kamid ah sharciyada khilaafka uu ka taagan yahay oo ay diideen Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa sharcigaan lagu maamulidoonaa doorashooyinka qaran ee lagu wado inay Soomaaliya ka dhacaan 2020/2021.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]