3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2020
Kenya oo ku dhawaaqday inay soo daad guraynayso ardaydeeda ku xayiran magaalada Wuhan
 

Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- Kenya ayaa ku dhawaaqday inay ardaydeeda kasoo daadgureyn doonto magaalada ayku xayiran yihiin ee Wuhan, waxayna ku boorisay deriskeeda Ethiopia, inay joojiso duullimaadyada ay ku tagayaan Shiinaha si ay gacan uga geystaan xakameynta cudurka coronavirus ee dhaqsaha u faafa.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ardayda doonaya in dib loo celiyo ay ku qasban yihiin inay 14 maalmood ku qaataan karantiil gudaha Kenya si loo hubiyo inaysan qabin cudurka.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in ku dhawaad 88 arday oo reer Kenya ah ay ku sugnaayeen Wuhan, oo ah xudunta cudurka.

Tirada ayaa laga yaabaa inay intaas ka badan karto, maaddaama ay jiraan qaar aan iska diiwaan gelin safaaradda Kenya ee Beijing.

Jeffrey Okundi, oo ah arday reer Kenya ah kana tirsan jaamacadda Wuhan Botanical Garden, ayaa sheegay in xaaladuhu aad u liitaan.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in Kenya, sida waddamada kale ee Afrika oo leh nidaamyo caafimaad oo daciif ah, ay tahay inay qaadaan tillaabooyin adag si loo hubiyo inaanan u oggolaanayn inuu fayraska soo gaaro dalkooda.

Toddobaadkii hore, Kenya Airways iyo Rwand Air waxay hakiyeen duullimaadyadii ay ku tagayeen dalka China.

Labada shirkaddood ee duullimaad ayaa ku biirey tiro kale oo shirkado Afrikaan ah oo kala ah, Egypt Air, Royal Air Maroc, Air Mauritius iyo Air Madagascar, kuwaasoo hakiyey duullimaadyadii ay ku tagi jireen Shiinaha sababta cudurka dillaacay awgeed.

Balse Diyaaradda Ethiopiaan Airline oo ah shirkadda qaaradda Afrika ee duulimaadyada ugu badan ku tegta Shiinaha iyo Air Algérie ayaa sii wad inay ka shaqeeyaan Shiinaha.

Haatan, Kenyatta wuxuu ka codsanayaa mas'uuliyiinta Itoobiya inay joojiso duullimaadyada ay ku tagayaan magaalooyinka Shiinaha si ay uga ilaaliyaan dadka kale ee reer Bariga Afrika cudurkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/8/2020 3:07 PM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- Ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Bosaso Public secondary school oo kamid ah dugsiyada dowliga ah ee Puntland, ayaa sheegay inay u baahan yihiin shahaadada dowladda Soomaaliya bixiso, Puntlandna aysan ku ciyaarin mustaqbalka arday muddo 12 sanno wax soo baranayay.

2/8/2020 12:06 PM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

2/8/2020 10:29 AM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- 16 qof ayaa ku geeriyootay shil gaari oo galinkii hore ee maanta ka dhacay goobta lagu magacaabo Laas-dheere oo 20 km u jirta magaalada Diridhabe.

2/8/2020 7:21 AM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee dowladda Federaalka.

2/8/2020 4:30 AM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

2/8/2020 3:08 AM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)-Golaha Aqalka Sare oo maalmihii ugu danbeeyayba dood ka lahaa sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa la filayaa fadhiggooda maanta in ay meelmariyaan sharcigan oo horay ay u soo gudbiyeen xildhibaannada Aqalka Sare.

2/8/2020 1:45 AM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)-Labadii sibuuc ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay.