Isku aadka ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Ohio lagu qabtay
Isniin, Feberaayo, 03, 2020 ((HOL)-Ciyaaraha xagaaga oo sanad walba lagu qabto magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka ayaa sanadkan 2020 markale diyaargarowgoodu uu ka soconaya Columbus .
Isku aadka Kooxaha oo gaarya
in ka baddan 30 kooxood ayaa la soo afmeeray manta waxaana inta baddan
ciyaartooydu ay ka kala imaanayaan gobolada dalkan Mareykanka iyo
Canada.
Maamulka
Ohio International Spring Cup ayaa sanadkan ugu magacdaray koobka
Koobkii Haweenka iyaga oo ku suntay magaca sadex gabdhood oo lagu dilay
gudaha Soomaaliya kuwaas oo ka kala tagay dalalka Canada iyo Mareykanka
waa Saado Ali Warsame, Almas Elman iyo Hodan Naleye.
Inta
baddan dadkii ka hadlay ayaa fursad muhim ah u arka qabashada Koobkan
oo Boqolaal dhalinyara uga kala yimaadaan meela kala duwan iyada oo la
buurayo is dhexgal.
Muhiimada
ugu weyn ayaa ah in dhalinyarada laga mashquuliyo waxyaabaha xun xun
xiliga xagaaga oo intabadan waxbarashada fasax laga yahay iyo in lagu
dhiirogaliyo in ay meel fiican ka gaaraan kubada cagta.
Asbuuca
Ciyaarahan ayaa magaalada laga dareemaa saxmad iyo dhalinyaro Raxan
raxan u socota goobaha Soomaalidu ku leeyihiin Ganacsiga Gobolka,
waxayna faaiido u tahay inbaddan ganacsatada Dukaamada, Maqaaxiyaha iyo
goobaha timaha lagu jarto oo aad asbuucaas suuq u yeesha.
Sanadwalba
waxaa kulma saxiibo, Asxaab iyo Ehelo aan in mudaa maqal mooyee muuq
isugu imaan waxayna iyaga oo kooxo kala taageersan ku kulmaan Garoonka
iyo Hoteelada ay daganyihiin.
Ohio
International Spring Cup sanadkan waxaa sii batay kooxaha ka soo
qeybgalayo oo gobolo hor leh ay ku soo biireen sida ay maamulku
xaqiijiyeen
Deeqo Shire (SONNA)
Columbus Ohio