Arbaco, Feberaayo, 26, 2020 (HOL)- Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda federalka Soomaaliya xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa si bareer ah u diiday inay marto nidaamka hubinta caafimaadka dadka kasoo dagaya garoonka Aadan Cadde, maadaama dowladdu go'aansatay in dadka soo galaya la hubiyo caafimaadkooda.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa si weyn uga carooday markii baraha bulshada laga daawaday muuqaal si qarsoodi ah looga duubay wasiir Khadiijo, xilli ay kasoo dagaysay diyaaradda Turkish Airline islamarkaana ay si kutala gal ah oo qabweyni ka muuqato u hareer martay shaqaalaha caafimaadka ee dadka diyaaradda kasoo dagayay ka baaraya astaamaha cudurka Coranoviruska.
Tiimka caafimaadka ayaa la arkayay iyagoo ku qancinaya wasiiraddu inay marto nidaamka baarista, hase yeeshee Khadiijo arrintaas dheg jalaq umasiinin waxayna sii wadatay socodkeeda.
Dr. Maxamed Cabdullaahi Oogle oo ah madaxa caafimaadka garoonka Aadan Cadde oo Hiiraan Online la hadlay ayaa hab dhaqanka ay muujisay wasiirad khadiijo ku tilmaamay mid ceeb ku ah nidaamka dowadnimada iyo masuuliyadda ay bulshada u hayso.
Dr. Oogle waxa uu xusay in masuuliyiin badan oo uu kamid yahay raysal wasaare ku xigeenkii hore ee dowladdii Xasan Sheikh Maxamuud uu kamid ahaa dadkii diyaaraddaha la socday ee maray nidaamka hubinta caafimaadka.