Arbaco, Feberaayo, 26, 2020 (HOL)- Hogaamiyaasha Shiinaha ayaa bilaabay xayiraad deg deg ah oo ku saabsan iibinta iyo cunista xayawaanka duurjoogta ah, kadib go'aan deg deg ah oo lagula dagaallamayo faafitaanka coronavirus.
Muddo saacado gudahood ah oo ay bilaabaneyso howlgalka ay ku dhawaaqeen Golaha ugu sareeya ee baarlamaanka, ayaa mas'uuliyiinta waxaa lagu amray inay xiraan suuqyada wadanka oo dhan ee lagu iibiyo noocyada kala duwan ee xawayaanka duurjoogta ah.
Xayiraadda ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid aragtida dalka ee iibinta iyo cunidda xayawaanka duurjoogta.
Khubarada ayaa sheegaya in muwaadiniintu aad uga walaacsan yihiin faafitaanka degdegga ah ee coronavirus. Si kastaba ha noqotee, ka ganacsiga shinbiraha, bakaylaha iyo digaagadaha duurka, ayaa wali la oggol yahay ka ganacsigooda.
Saynisyahannadu waxay tuhunsan yihiin in coronavirus uu ka bilowday xayawaan duurjoog ah kadibna uu u gudbay aadanaha bishii Diseembar suuq ku yaal Wuhan ka dib markii infekshannadii ugu horreeyay laga helay dadka ku sugnaa suuqa duurjoogta.
Mas'uuliyiinta ayaa bishii hore isku dayay inay soo bandhigaan mamnuucis kumeel gaar ah, si suuqyada looga joojiyo xawayaanada fiidmeerta iyo masaska. In ka badan 28,000 oo xayawaan ayaa lala wareegey laakiin ma aysan soo afjarin iibinta duurjoogta suuqa.
Coronavirus-ka wuxuu ku dhacay in ka badan 80,000 oo qof oo ku nool Shiinaha, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 2,600.