Garyaqaanka guud ee Somaliland oo ka hadlay wax ka bedelka lagu samaynayo xeerka xisbiyada Somaliland
Isniin, Febraayo 24, 2020 (HOL )– Garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa sheegay in madaxweynuhu awood u leeyahay inuu wax ka bedel iyo kaabis ka dalbado golaha Baarlamaanka xeerka ururadda iyo asxaabta , taas oo la doonayo in dib loo furo ururadii si saddex xisbi usoo baxaan.
“Madaxweynuhu wuu dalban karaa in kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyo
xeerka ururada iyo asxaabta,”ayuu yidhi garyaqaanka guud Maal.
Cabdisamad Maal oo sharaxaya saddex nidaam oo wax ka bedel iyo kaabis loogu
samayn karo xeerka asxaabta qaranka waxa
uu yidhi “ Xeerka ururada iyo nidaamka asxaabta ee Numbar 14 ayaa ka sheekeeya
nidaamka loo maamulayo asxaabta, markii kowaadna maaha in kaabis iyo wax ka
bedel lagu sameeyey xeerkan, saddex nidaam baa wax looga bedeli karaa xeerkan,
mar Baarlamaanka wax ka bedeli kara, marna madaxweynaha ayaa dalban kara marna dadweynaha ayaa dalban kara oo illaa shan kun oo qof baa looga
baahan yahay”
Sidoo kale, waxa uu ka jawaabay baaqii xisbiyada mucaaradka ahaa in
doorashada madaxtooyada hore loo soo
dhigo, waxaanu yidhi “Teeramka madaxweynaha waa dastuuri, xeerka asxaabta iyo
liisankooduna waa xeer baarlamaan oo tobankii sanaba mar baa dib loo
cusboonaysiinaya, markaa hadii muddo xileedka madaxweynaha wax laga bedelayo
waa afti dadweyne”
Waxa kale oo uu sheegay in muddo xileedkii xisbiyada ee tobanka sanno
liisanku ku dhacayey ay ku beegan tahay sanadka 2022-ka, sidaas darteed la doonayo in la is waafajiyo doorashada golaha
deegaanka iyo furiista ururada, taasina ay keenayso in hore loo soo horumariyo mudadii uu liisanku ka dhacayey.
Xisbiyada mucaaradka ayaa walaac ka muujiyey wax ka bedelka madaxweynuhu
damacsan yahay inuu ku sameeyo xeerka asxaabta, taas oo dib loogu furayo
ururadii si saddexda xisbi ee ugu codka bata usoo baxaan, kuwaas oo noqonaya
sadexda xisbi qaran.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.