Isniin, Feberaayo, 24, 2020 (HOL)- Weerar bambaano oo lagu qaaday isu soo bax lagu taageerayo Raiisel wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 30 qof Axadii.
Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (60 mayl) dhanka galbeed ka xigta magaalada Addis Ababa.
Arasa Merdasa, oo ah sarkaalka ugu sareeya booliiska gobolka Oromada ee dalka Ethiopia, oo ah halka ay kutaalo Ambo uu ku sugan yahay, ayaa dhacdadaan u sheegay wakaaladda wararka ee Itoobiya.
Booliska waxaay xireen lix qof oo looga shakisan yahay weerarka.
Abiy ma uusan soo xaadirin dibad-baxdii Axadda, oo ay soo agaasimeen mas'uuliyiinta Ambo ah.
Xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa su’aal ka keenay in doorashooyinka August noqon doonaan kuwo nabad ah oo la isku halleyn karo, xilli ay rabshado qowmiyadeed oo isdaba joog ah dhacayaan tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Aby Ahmed 2018.