Sabti, Feberaayo, 22, 2020 (HOL)- Ururka Suxifiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo kaashanaya hay'adda hormarinta Warbaahinta ee Dalka Finland ee VIKES ayaa Magaaladda Jowhar tobobar soconayay labo maalmood ugu so xirtay 25 Gabdhood oo saxafiyiin ah oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Madaxa-banaan ee ka howl-gasha Maamulka Hir-sheele.
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Maxamed Ibraahim Nuur (Macalimuu) ayaa ujeedka tobobarkan ku sheegay in uu yahay in la kobciyo, korna loogu qaadayo aqoonta Gabdhaha saxafiyiinta ah ee ka howlgala Warbaahinta Hir-shabeele " Tobobarkan Maalmihii uu socday waxaan si gaar ah diiradda ugu saarnay Cilmiga kaamirada; habka Muuqaal duubista iyo jarjarista ujeedkeenuna waa inaan kor u qaadno aqoonta gabdhaha ka howl-gala warbaahinta soomaaliyeed".
"casharo kale oo Muhiim ah oo ay ka mid yihiin, Xeerka Anshaxa Saxaafadda, hab-ka isku dheelitirka warka, awood-siinta gabdhaha shaqeeya iyo Xirfadda Waraysiyada ayaa sidoo kale awoodda saarnay inta uu socday tobobarkan" ayuu ku daray Macalimuu
Dhinaca kale, Wasiirka Haweenka ee dowlad goboleedka Hirshabelle Marwo Sadiya Maxamed Nuur, oo si rasmi ah u so xirtay tobobarkan , ayaa sheegtay in haweenka saxafiyiinta ah ay kaalin ka cayaari karaan abuurida jawi loogu tala galay haweenka hadafkoodu yahay in ay ku biiraan siyaasada, sidoo kalena ay sare u qaadaan in haweenka codkooda la maqlo.
“Dhawr jeer waxaan ku soo arkay haween hadallo qiimo leh iyo khudbado ka jeediyey shirarka, laakiin nasiibdarro markii ay warbaahintu ka tabinaysay dhacdada dadka, codadka ragga ayaa kaliya la doorbiday oo la adeegsaday, marka joogitaanka suxufiyiinta haweenka ahi waxay dhiiri-galin doonaan codka haweenka in la maqlo ”Marwo Sadiya ayaa tiri.
Ugu danbayntii, Gudoomiyaha Ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, Abaadir C/qaadir Cilmi ayaa sheegay lixdii bilood ee la dhaafay 320 wariye oo dalka qeybihiisa ku baahsan ay FESOJ u sameysay tababar sare oo kor loogu qaadayo xirafdooda, wuxuuna intaas ku daray in tobobarkan Gabdhaha mid la mid ah horay looga soo sameeyay Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Garowe. Jowhar kadibna laga samayndoono Magaalooyinka Dhuuso-mareeb iyo Baydhabo.