
Sabti, Febraayo 22,2020 (HOL)–Labada xisbi mucaarad ayaa si adag ula hadlay madaxweyne Biixi, waxaanay sheegeen inuu maray jidkii ay mareen kalitaliyeyaashii dunida soo maray.
newsinsideLabada xisbi waxay ku eedeeyeen inuu sharcigii ka talaabsaday,isla markaana doonayo inuu burburiyo labada xisbi taas oo ay xuseen in aanay aqbali Karin.
“Maanta waxa muuqata inuu Muuse Biixi u xuubsiibtay kaligii taliye, cagtana saaray wadadii hore loo eeday ee qayrkii iyo janaradii dhagarta ku caanka ahaa ay mareen, waxa muuqata inuu burburiyey dimuqraadiyadii curdinka ahayd ee shacabkani tacabka badan ka gallay waxa muuqata inuu mijo xaabiyey qaranimadii yo midnimadii ummada Somaliland oo maanta ku jirta jiho wareer siyaasadeed,, waxa muuqata inuu wali xintan iyo xifaaltan uu ka dhigay maamulkii uu dallka loo igmaday,isla markaana si badheedh ah iyo kutumasho u jabiyey, dastuurkii iyo xeerarkii dalkani lahaa”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa kale oo uu ku baaqay in sanadkan la qabto doorashooyinkii golaha Wakiilada, golaha Deegaanka iyo ta madaxtooyada oo laga soo hormariyo wakhtigeedii maadaama oo uu ku fashilmay hogaankii dalka.
“Labada xisbi qaran waxay xalka iyo badbaadinta Somaliland u arkaan in doorasho madaxtooyo oo xilligeedii laga soo horumariyo ka qabsoonto dalka sanadkan gudihiisa, maadaama oo uu ku fashilmay hogaaminta dalka”ayuu raaciyey hadalkiisa Gudoomiye Cirro.
Sidoo kale, waxa isna khiyaamo wadan ku tilmaamay gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu yidhi “wuu ka tagay madaxtinimo iyo sharci, waxaan u sheegayna in aanu madaxweyne noqonayn ee uu Muuse Biixi noqonayo, hadii uu yidhaahdo UCID iyo WADANI baan baabi’inayaa aan mudadoodii gaadhay oo shaadh isaga leeg uu tosho, waxaanu leenahay madaxweyne nooma tihid, mudada la siiyey hadii uu gar ku qaadan weaayo madaxweyne noqon maayo cashuur uu qaadanayaana ma jirto waa khaayin Muuse Biixi, Dalkii Wuxuu Ku Iibiyay 45-Minute, Waynu Iibsannaha, afkiisa iyo uurkiisuna isma laha, sidii dawladii Afweyne ayaa lagu ridaya oo adigoo qawan baad ka baxaysa”.
Labada xisbi mucaarad ayaa luuqadii ugu adkayd kula hadlay madaxweyne Biixi oo ay ku tilmaamay inuu sharcigii burburiyey.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online