Jimco, Feberaayo, 21, 2020 (HOL)- Turkiga ayaa qorsheynaya inuu bilaabo sahminta saliida iyo gaaska Geeska Afrika si uu u balaariyo xiriirka tamarta ee uu la leeyahay wadamada gobolka.
Soomaaliya marka laga soo tago, guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Turkiga ayaa sidoo kale ansixiyay heshiis ay la saxiixdeen Itoobiya, si looga wada shaqeeyo tamarta, biyo-xireennada iyo macdanta.
Sida ku xusan qodobka 1-aad ee heshiiska, habka iskaashiga tamarta ee Turkiga iyo Ethiopia wuxuu diiradda saari doonaa kor u qaadista “iskaashiga dhinacyada macdanta iyo batroolka ka dhexeeya iyada oo lagu saleynayo is faham.
Heshiisku wuxuu dhigayaa Qodobka 3aad in Turkiga iyo Itoobiya ay fulin doonaan mashaariic wadajir ah oo ku saabsan horumarinta iyo kor u qaadida macdanta, baarista shidaalka iyo ka faa'ideysiga shidaalka; kaydinta, suuqgeynta, dhismaha iyo dayactirka kaabayaasha saliida iyo gaaska; iyo adeegsiga tikniyoolajiyadda gaaska.
Kulankoodii 5-tii Febraayo, 2020-kii, Guddiga Arrimaha Dibadda ee barlamaanka Turkiga wuxuu ku oggolaaday heshiisyo iskaashi oo dhameystiran iyo iskaashi macdan qodis ah oo lala yeesho waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya.