Jimco, Febraayo 21, 2020(HOL)–Somaliland ayaa maanta laga xusay maalinta dhallinyarada Somaliland oo sanad walba la xuso maanta oo kale.
Maalin ayaa looyaqaan dhagax tuurka, waxaana dhacday dhalinyaro gadoodsan oo ka cadhooday
aqoonyanno reer Somaliland oo danta guud u kacay markii dawladii kacaanku
xabsiga u taxaabtay, taas oo keentay inay iska hor yimaadaan ciidamda dawlada
iyo dhalinyaradii oo dhagaxaan sita, halkaasi oo dhimasho iyo dhaawacba ka
dhacday.
Dhallinyaro aqoonyahan ah ayaa samaysatay ururkii UFFO, kuwaas oo wax
badan ka qabtay xaaladii cisbitaalka guud ee Hargeysa ka jirta, haseyeeshee
waxa arrintaasi diidanayd dawladdi kacaanka, sidaas baa xabsiga loogu gurey
qaarkoodna loogu xukumay xabsi daa’in.
Munaasibada lagu xusayo maalintan ayaa lagu qabtay beerta xorriyadda,
taas oo ay ka soo qaybgalleen madaxweyne ku xigeenka, wasiirka arrimaha gudaha,
wasiirka warfaafinta, maayarka caasimada,dallada dhalinyarada SONYO, iyo
ururkii UFFO ee munaasibadani ka dhallatay.
Sidoo kale, waxa lug lagu soo maray xafiiska dhalllinyarada SONYO illaa
taaladda loo sameeyey wiilkii dhalinyarada ahaa ee maalintaasi geeriyooday
madaxdii munaasibada ka soo qaybgashay iyo ardayda dugsiyada sare.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ka qaybgalay
xuska dhalinyarada ayaa sheegay in Soomaaliya ku wada hadli karaan fagaare
caalami ah balse aan qol hoostii lagu wada hadleen.
Dhinaca kale, goboladda Awdal, Gabiley iyo Saaxil ayaa dadweynuhu
sameeyeen iskugu soo bax lagu taageerayo go’aankii madaxweyne Biixi ku diiday
in madaxweynaha Soomaaliya yimaado Somaliland, kuwaas oo si weyn uga soo
horjeestay.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.