3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2020
Maxkamada gobolka Nugaal oo todobaad dib u dhigtay kiiska haweenay lagu kufsaday laguna dilay Garowe
 

Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, Maxamed Xareed Faarax, ayaa sheegay in muddo todobaad ah dib loo dhigay dhegaysiga dacwada eedeesanayaal loo haysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Hodan Axmed Shanlayste.

Marxuumada ayaa horaantii bishii abril ee sanadkii hore kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, xilli duhur ah oo ay iyada iyo carruurteeda gurigooda ku sugnaayeen.

Ragga kufsaday ayaa dilkeeda u adeegsaday Bac ay ku ceejiyeen.

Booliiska ayaa qabtay rag dhowr ah oo la tuhunsan yahay inay qeybtood yihiin kuwii ka dambeeyay kufsiga iyo dilka marxuumada.

Balse, si loo helo dambiilayaasha falka geystay, ayaa hay’adda Puntland u qaabilsan baarista danbiyada hidasidaha DNA, waxay eedeesanayaasha ka qaday dheecaano lagu ogaanayo cida falkaas geysatay, sidii horey loogu ogaaday kiiskii Caa’isha Ilyaas.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in kiiska dib loogu dhigay,  si loo sugo aabaha dhalay marxuumada oo aan maxkamada kusoo xaadirin.

Dhinaca kale, maxkamadda gobolka Nugaal ayaa xabsi iyo ganaax lacageed ku riday nin lagu helay inuu geystay kufsi. Waxay sidoo kale xukuntay dhalinyaro dadka baaran jiray.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/15/2020 9:04 AM EST
Sabti, Febraayo 15, 2020 (HOL )– Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland cadeeyo waxay ku soo wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya iyo waxa lagu soo heshiiyey ee kaligood ku soo wada hadleen.

2/15/2020 7:28 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Barlamaanka dalka Ethiopia ayaa khamiistii meel mariyey sharci dhigaya in xabsiga la dhigo dadka bogaggooda internet-ka ku faafiya wararka nacaybka.

2/15/2020 4:33 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Hay’adda Puntland u qaabilsan baarista danbiyada hidasidaha DNA iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano Forensic Science, ayaa sheegtay in ay kala saartay 50 carruur ah oo ay isku haysten dad sheeganayay inay dhaleen.

2/15/2020 1:43 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Midawga Yurub ayaa bilaabay 5,7 milyan oo yuuro mashruuc ah oo lagu taageerayo Wasaaraddaha Waxbarashada ee Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo sidii loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay oo loogu talagalay dadka.

2/15/2020 1:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale ayaa sheegay in dowladdu qorsheyneyso dhawaan in la qaado dhamaanba Dhagxaanta ku ku xiran jidadka magaalada Muqdisho

2/15/2020 12:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Yuusuf Cismaan Samatar (Bardacad) oo ahaa ruug cadaa wax badan ka soo qabtay siyaasadda dalka Soomaaliya, xabsi dheerna ugu xirnaa dowladd Maxamed Siyaad Barre, ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka.