3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2020
Midowga Yurub oo malaayiin Yuuro ah ku taageeraya wasaaraddaha waxbarashada dowlad goboleedyada
 

Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Midawga Yurub ayaa bilaabay 5,7 milyan oo yuuro mashruuc ah oo lagu taageerayo Wasaaraddaha Waxbarashada ee Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo sidii loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay oo loogu talagalay dadka.

Mashruucan waxaa lagu bartilmaameedsanayaa xoojinta awoodda maamulka waxbarashada si loo maareeyo loona habeeyo waaxyaha, iyadoo la fududeynayo wadashaqeynta lala yeelanayo qaybaha kale ee ay khuseyso.

Tusaale ahaan, waxay higsaneysaa is waafajinta siyaasadaha waxbarashada, hirgelinta qaab dhismeedka manhajka cusub, xoojinta hubinta tayada iyo nidaamyada heerarka, iyo sidoo kale hagaajinta imtixaannada iyo qiimeynta guud ahaan dalka.

“Taageeradani waxay muujineysaa sida joogtada ah ee Midowga Yurub uga go'an tahay soo kabashada Soomaaliya iyo dadkeeda. Waxay calaamad u tahay isbedel ku wajahan sii jiritaanka iyo hoggaaminta. Waxaan bogaadineynaa iskaashiga u dhexeeya mas'uuliyiinta waxbarashada iyo sida ay uga go'antahay inay si tartiib tartiib ah ugu maareeyaan adeegyada waxbarashada qaab isku mid ah," ayuu yiri H.E. Nicolas Berlanga Martinez, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada ee dowladda federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre, wuxuu yiri: “Dalkeennu wuxuu leeyahay awood iyo dad aad u wanaagsan. Waxaan ku faraxsanahay mashruucan waayo waxay naga caawin doontaa inaan sii horumarinno fursadahaan, kor u qaadno fursadaha waxbarasho ee dalka isla markaana aan ku soo dhaweyno jilayaasha goobtaan si ay u qaabeeyaan mustaqbalka Soomaaliya. ”

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha waxbarashada dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland iyo sidoo kale agaasimaha waxbarashada ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay daah-furka mashruucan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/15/2020 9:04 AM EST
Sabti, Febraayo 15, 2020 (HOL )– Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland cadeeyo waxay ku soo wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya iyo waxa lagu soo heshiiyey ee kaligood ku soo wada hadleen.

2/15/2020 8:11 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, Maxamed Xareed Faarax, ayaa sheegay in muddo todobaad ah dib loo dhigay dhegaysiga dacwada eedeesanayaal loo haysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Hodan Axmed Shanlayste.

2/15/2020 7:28 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Barlamaanka dalka Ethiopia ayaa khamiistii meel mariyey sharci dhigaya in xabsiga la dhigo dadka bogaggooda internet-ka ku faafiya wararka nacaybka.

2/15/2020 4:33 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Hay’adda Puntland u qaabilsan baarista danbiyada hidasidaha DNA iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano Forensic Science, ayaa sheegtay in ay kala saartay 50 carruur ah oo ay isku haysten dad sheeganayay inay dhaleen.

2/15/2020 1:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale ayaa sheegay in dowladdu qorsheyneyso dhawaan in la qaado dhamaanba Dhagxaanta ku ku xiran jidadka magaalada Muqdisho

2/15/2020 12:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Yuusuf Cismaan Samatar (Bardacad) oo ahaa ruug cadaa wax badan ka soo qabtay siyaasadda dalka Soomaaliya, xabsi dheerna ugu xirnaa dowladd Maxamed Siyaad Barre, ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka.