4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2020
Maraykanka oo ka digay qatarta Al-shabaab iyo ISIS ku hayaanamniga geeska Afrika iyo danaha reer galbeedka
 

Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)- Saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka iyo sirdoonka ayaa ka dhawaajiyay walaac cusub oo ku saabsan faafitaanka kooxaha argagixisada ee kusii faafaya qaaradda Afrika, iyagoo ka digaya in qaar ay noqdeen kuwa awood badan oo aan suurtagal ahayn in la dhayalsado qatartooda.

Warbixin cusub oo uu sii daayay kormeeraha guud ee Waaxda Difaaca, ayaa digniino hore u jeedisay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee ku saabsan khatarta sii kordheysa ee ku wajahan  Mareykanka.

Warbixintu waxay sheegaysaa in Pentagon-ka  uu soo bandhigay miisaaniyad $ 740.5 bilyan oo sanadka soo socda ah, taasoo aan diirada lagu saarin argagixisada laakiin lagu maalgalinayo tartanka looga soo horjeedo Shiinaha iyo Russia.

“Khatarta ka imaanaysa Al-shabaab iyo ISIS-Soomaaliya ee Bariga Afrika ayaa weli ah 'mid sarreysa,' inkasta oo ay sii socdaan duqeymaha diyaaradaha Mareykanka iyo tababarka ciidamada amniga ee Soomaaliya," sidaasi waxaa lagu yidhi macluumaad ka yimid Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo Wakaaladda Sirdoonka Difaaca (DIA).

Warbixinta ayaa sidoo kale soo xiganeysa Taliska Mareykanka ee Mareykanka isagoo sheegaya in kooxaha argaggixisada ee kala duwan ee Galbeedka Afrika ay leeyihiin awood ay ku faafaan gobolka oo ay saameyn ku yeeshaan danaha reer Galbeedka.

Saraakiisha sirdoonka Maraykanka waxay rumeysan yihiin in Al-shabaabka ay sanadkii helaan $ 10 illaa $ 20 milyan oo lacago canshuuro ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]