4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2020
Shir looga hadlayo maqaamka Muqdisho oo furmay


Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Kulan Wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka ee XFS loogana hadlayo Maqaamka Muqdisho ayaa ka furmay yo kaalinta kaga aadan dib-u-eegista Dastuurka Qaranka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirro iyo xildhibaano  ka tirsan DFS, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, Guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, qaar ka mid ah  Agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo xubna ka socday beesha caalamka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed  Cumar Filish  oo madasha ay dooda ka socotay ka  hadlay ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caadimadda.

“ Magaalada Muqdisho waxaa k unool dad lagu qiyaasay in kabadan  3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka  Caasimadeed waxaana aragtida dadweynaha Muqdisho kamid ah in ay helaan  xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta  dib u dhiska Caasimadda iyo in magaalada ay soo ceshato heybadii ay  barisamaadkii laheyd”.

Wasiirka Wasaarada arimaha Gudaha ee XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye  waxaa uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka Muqdisho.

“Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaarada Dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka Muqdisho”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo kaalinta maqaamka Muqdisho.

“Ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay  kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo  dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada  siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]