3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay madaxweynaha Golaha midowga Yurub

 

Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa halkaa ka wada kulamo gooni gooni ah oo uu la leeyahay madax heer caalami ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaatay  madaxweynaha  Golaha Midowga Yurub Charles MIchel. oo ay isla soo qaadeen horumarka ay Dowladda ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in sidoo kale looga hadlay kulanka taageerada Midowga Yurub ee ku aadan dowlad dhisida  Soomaaliya,waxaana Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles  MICHEL uu balan qaadey inay taageerada kordhin doonaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Magaalada Addis Ababa uga qeyb galay Shirka 33aad ee Madaxda Midowga Afrika ayaa waxaa uu horey ula kulmey Madax kala duwan,waxaana la filayaa in uu sidoo kale la kulmo Madax kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
2/11/2020 11:01 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Dowlad goboleedka Puntland ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray mowqifkeeda ku aaddan Sharciga Betroolka ee uu saxiixay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah.

2/11/2020 10:56 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kula kulmay agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska, Audrey Azoulay oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

2/11/2020 7:31 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xassan Xijaar oo maanta ka hadlayay kulan ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalka Amnigiisa sida uu hadalka u dhigay lagu soo duulay.

2/11/2020 6:20 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta dowlad goboleedka Puntland, Cawil Sheikh Xaamid ayaa farriin culus u diray dadka kufsiyada ku howlan, kadib markii maanta cadaaladda la marsiiyay raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan.

2/11/2020 2:25 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Aabaha dhalay marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan, ayaa soo dhoweeyay in gabadhiisu cadaalad heshay kadib markii saakay xukun dil ah lagu fuliyay labo kamid ah saddexdii nin ee kiiskaas loo xukumay.

2/11/2020 12:45 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Puntland ayaa goor dhow xukun dil ah ku fulisay labo kamid ah saddexdii xukumane ee loo haystay kufsigii iyo dilkii caa’isha Ilyaas Aadan.