4/12/2025
Today from Hiiraan Online: Director and Deputy of Shabelle Media arrested in Mogadishu
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2020
Somaliland oo war ka soo saartay magacaabistii Yuusuf Garaad

 

Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) -Somaliland ayaa war ka soo saartay magacaabistii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay Yuusuf Garaad Cumar Axmed Ergeyga gaar ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

“Magaacabista Ergayga u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed ee maamulka  Muqdisho waa riyo maalmeed iyo sheegasho caalwaa ah, ujeedada la ga leeyahay na waa sidii loo marin  habaabin lahaa aragtida iyo fahanka bulshada caalamka ee ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida  Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Magacaabista ayeey sidoo kale Somaliland  ku tilmaamtay in ay tahay fara-galin qaawan iyo dagaal siyaasadeed ka dhan ah xukuumadeeda.

Hoos ka akhriso Qoraalka :

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com