4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2020
Ku dhawaad 50 xildhibaan oo kasoo jeeda gobolada waqooyi oo taageeray guddiyada doorashooyinka dadban
 

Arbaco, December, 02, 2020 (HOL) - 47 Xildhibaan oo ka kala tirsan barlamaanka labadiisa aqal kana soo jeeda gobolada waqooyi, ayaa sheegay guddoomiyaha aqalka sare in aanu ku mutalin mowqifkiisa diidmo ee Guddiyada doorashooyinka dadban.

Xildhibaanadan oo soo saaray bayaan ay ku saxiixan yihiin, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin guddiyada doorashooyinka, iyagoo caddeeyay habka loo maray dhismahooda inuu waafaqsan yahay heshiiskii siyaasadeed ee doorashada.

Waxay kaloo nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin ujeeddooyin siyaasadeed xambaarsan ay dariiq ka dhiganayaan doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]